Yaa leh Mas’uuliyadda saamaynta ay yeelatay xayiraadii diyaaradaha ? (QORMO)

23/9/2019 laga soo bilaabo maalintii ay DFS soo saartay go,aan ay ku sheegtay in aysan jiri karin wax duulimaad ah oo tagi kara magaalada Kismaayo waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Hay’adaha DFS oo ay ugu horeyso Hay’adda duulista iyo hawada Soomaaliya oo beenisay in ay jiraan wax duulimaad ah oo laga hor istaagay magaalada Kismaayo.

Xayiraadii diyaaradaha waxa kaliya ee ay dhibaatadu ka soo gaartay waa shacabka qaybahiisa kala duwan haba ugu darnaadaane bukaanno wax looga qaban waayay magaalada oo loo qaadi lahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Nayrobi waana sababta ay Hay’adda duulista iyo hawada DFS ay u beenisay warkaas.

Dowlad Goboleedka Jubbaland oo dhibaatada la dareemaysa shacabkeeda ayaa baaq u dirtay DFS iyagoona dhankooda cadeeyay in ay jiraan xiritaanka Duulimaadyada Kismaayo iyo saamaynta ka dhalan karta.

Dhibaatooyinka ugu badan ee ka dhashay xayiraadda diyaaradaha ayaa waxaa ka mid ahaa Daawo la,aan soo wajahday Isbitaalka guud ee degmada Kismaayo sida uu ku waramay agaasimaha Isbitaalka,Kiisas caafimaad oo Kismaayo wax looga qaban waayay oo ku xayirmay magaalada, Ardey waxbarasho u aadi lahayd Muqdisho oo iyana hakad galay,Bukaanno ka imaan lahaa deegaanada kale ee Jubbaland sida Afmadow Dhoobley oo xayirmay iyo dhibaatooyin kale.

Hadaba dhibaatadaas oo dhan miyay saameysay Madaxda Jubbaland waa maya mise waxay gaar u tahay shacabka yaase mas’uuliyadeeda leh.

Afar maalin oo aysan magaalada ka jirin wax duulimaad ah waxaa barbar socday baaq loo dirayo DFS iyo banaan baxyo looga soo horjeedo ciqaab wadareedka loo geystay shacabka Jubbaland.

Ugu dambaynttii DFS ayaa shaacisay in ay fasaxday duulimaadyadii diyaaradaha Kismaayo ka dib markii dhibaatadu ay gaartay uun shacabka wallow ay markii hore inkirtay.

Duulimaadyadii ugu horeeyay ayaa ka bilowday magaalada Kismaayo sida ay ku warameen madaxda shirkadaha diyaaradaha.

Xigasho: JLTV