Al-Shabaab oo soo bandhigtay Ergadii dooratay Xil. Jawaari (Sawirro)

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay qaar kamid ah Ergo ay sheegeen inay soo doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Ergada oo gaareysa 76 ruux ay ku jiraan qaar kamid ah kuwii soo doortay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Goobta lagu soo bandhigaayay Ergada ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyeyaasha Al-shabaab ee Gobalada Baay iyo Bakool, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Sheekh Cabdulaahi Macalin Geeddow, Sheekh Cali Katiin iyo xubno kale.

Dhawaan ayay ahayd markii Al-shabaab Degmada Bu’aalle ee Gobolka Dhexe ay kusoo bandhigtay 51 ergo oo ay sheegeen inay soo doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo ay xusid mudan tahay in maalmihii la soo dhaafay ayy soo bandhigayeen Shabaab Odayaal qeyb ka ahaa soo xulista Baarlamaanka Soomaaliya.