Daadad ku dhuftay dalka Hindiya oo ay dad ku dhinteen (Sawirro)

In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay daad ka dhashay roob badan oo ka da’ay Goboladda Uttar Pradesh iyo Bihar, sida ay Warbaahinta u sheegeen Masuuliyiinta Goboladda.

Waxaa lasoo wariyay khasaare lixaad leh oo ay biyuhu deegaanka u geysteen gaar ahaan bur-burka wadooyinka iyo guryaha, Iyadoona ay istaageen Isu-socodkii Tareenadda, Gawaarida, adeegii caasimaadka, Iskuuladdii iyo adeeggii korontadda labada Gobolba.

Dowladda Gobolka Uttar Pradhesh ayaa sheegtay in Gobolkaas ay ku dhinteen 93 qof tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay.

Dad ka badan 15 qof ayaa ku dhintay gobolka Bihar, waxaana socda dadaaladda gurmadka ee lagu samatabixinayo dadka uu daadku khasaaraha gaarsiiyay.

Dowladda dhexe ee Hindiya ayaa sidoo kale Goboladaas u dirtay shaqaalaha gurmadka deg-degga ah si ay u caawiyaan kuwa Gobolka.