DEG-DEG: Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Garoonka Balli-doogle

"The Hangar" at MCAF Beledogle Somalia. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus oo ku bilowday qaraxyo goor-dhoweyd  ku qaaday Garoonka Balli-doogle ee duleedka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamo Mareykan ah, Ciidanka DANAB iyo Ciidan ka tirsan AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo waa weyn oo ahaa gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay laga maqlay dhanka Balli-doogle, sida ay soo warinayaan dadka deegaanka Wanlaweyn.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay barahooda Internet-ka ku qoreen ku sheegay in weerar culus ay ku qaadeen Saldhigga, ayna dagaalyahanadooda la wareegeen qeyb ka mid ah Garoonka Balli-doogle.

Garoonka Balli-doogle ayaa ah saldhig Milateri oo ay isticmaalaan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, waxaana inta badan saldhigga ka kaca. diyaaradaha qumaatika u kaca iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano.

Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News