Madaxweynaha DDS Cagjar oo ku wajahan Degaanada Puntland

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa kusoo wajahan Degaanada Puntland, iyadoona qaban-qaabada soo dhaweyntiisa ay socoto.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Cagjar uu maalinimada burrito ah kasoo degi doono Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Wafti horu-dhac u ah Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa maalin kahor soo gaaray Caasimadda Puntland ee Garoowe, iyagoona saacadihii lasoo dhaafay u gudbay Magaalada Boosaaso.

Ujeedada socdaalka Madaxweynaha Dowlad Degaanka ee Puntland ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka Labada Degaan, iyadoona la filayo in Madaxweyne Cagjar uu socdaal ku maro Qeybo kamid ah Gobalada Puntland.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.