Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka baaqsaday Shirka SPF oo berri ka furmaya Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), ayaa ka baaqsaday Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somali Partnership Forum) oo berri ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Shirka oo soconaya Labo Maalmood ayaa noqonaya wajiga labaad ee shir lagu qabtay Brussels sannadkii hore, waxaana looga hadli doonaa Arrimaha Soomaaliya iyo Xaalada kasii dareysa ee ka jirta Koonfurta iyo Gobalada Dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu iska diiday Shirka, kaddib markii uu socon waayay dalabkiisii ku aadanaa in Shirka laga bedelo Magaalada Muqdisho oo ay hareeyeen Xaalada amni darro iyo inuu Shirka kasoo qeyb-galo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo ay isku dhacsan yihiin Hoggaamiyaasha Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Shirkan ay ka qeyb-galayaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, waxaana jira warar sheegaya in Beesha Caalamku ay hoos u dhigtay maqaamka Wakiilada ku matalaya Shirkan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxda Dowladda Federaalka uu soo foodsaaray walaac xooggan oo ku aadan inay waayeen qorshahoodii ku aadana inay muujiyaan inay heystaan kalsoonida Saddexda Maamul ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, balse uu xalay ka xargo furtay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaas oo baabi,iyay Wakiilashadii Arrimaha Dib u heshiisiinta Galmudug, sheegayna inay aysan waxba ka jirin Shirarkii Dhuusamareeb ku qabatay DFS.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News