Shir u dhexeeya AMISOM iyo UNSOS oo ka socda Muqdisho (Sawirro)

Magalada Muqdisho waxaa ka furmay Shir u dhaxeeya AMISOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), waxaana looga hadlayaa in la sameeyo qorshe-hawleed dhameystiran oo lagu hago howlaha iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) laga bilaabo 2019 illaa 2021 laguna hagaajiyo fikradihii hawleed ee dib loo eegay Qorshaha kalaguurka Soomaaliya (STP).

Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa waxqabadka ugu weyn ee hoos imaanaya Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, marka la filayo in AMISOM ay baxdo oo ay ku wareejiso mas’uuliyadda amniga dalka Ciidamada Amniga Soomaaliya.