Sirdoonka Kenya oo gacanta ku dhigay Ciise Tarabuun

Ciidamada Ammaanka Dowladda Kenya oo kaalmo Sirdoon ka helayo Mareykanka ayaa gacanta caawo kusoo dhigay Cabdiwaaxid Khaliif Axmed oo ku magac-dheer Ciise Tarabuun oo Dowladda Kenya ay sheegtay inuu yahay xubin sare oo kamid ah Ururka Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Ciise Tarabuun oo ahaa Madaxii amniyaadka Goblka Banaadir ee Al-Shabaab gacanta ay ku dhigtay, hase yeeshee Dowladda ayaa mar kale sheegtay inuu soo dhameystay xukun Maxkamadeed oo dhan 2 sanno.

Ciise Tarabuun oo Dowladda Kenya ay sheegtay inuu wadankeendo galay 24 bishaan, ayay lagu qabtay Gudaha Magaalada Nairobi, kaddib howlgallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka socda qeybo badan oo kamid ah Dalka Kenya.