Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya oo ku dagaalamay Deegaanka Alaale.

Dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaanka Alaale oo hoostaga Gobolka Siti ee Ismaamulka Soomaalida itoobiya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dhinaca Canfarta iyaga oo gacan ka helaya jabhad ka jirta deegaankaasi ay weerar ku qaadeen Soomaalida, iyadoona soomaalida ay iska caabiyaan weerarkaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay dad u badan Soomaali oo qeyb ka ahaa dagaalkaas..

Barkhad Diiriye oo ka mid ah dadka deegaannada lagu dagaalamay ayaa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay  in dagaalkaas lagu dilay 14 Ruux oo Soomaali ah, halka  7 kalena lagu dhaawacay dagaalkaasi.

Ma jiraan weli wax war oo ka soo baxay maamulka dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya.