VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka uu kaga qayb-galay Kulanka 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa magaalada Washington waxaa uu xarigga kaga jaray dhismaha cusub ee loo iibiyay Safaaradda Soomaaliya ee Washington.

Soo laabashada Madaxweyne Farmaajo ee Muqdisho ayaa ku soo aaday, iyadoo horaanta bisha October uu magaalada Muqdisho ka dhacayo shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Somali Partnership Forum, kaasoo ah wajigiisa labaad shirkii ka dhacay sanadkii hore magaalada Brussels, waxaa shirka ka qeyb geli doona Madaxda Maamul Goboleedyada, Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka, wakiilada Beesha Caalamka iyo dalalka deeq bixiyeyaasha

Sidoo kale dib ugu soo laabashada Muqdisho ee Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegantay, xilli maalmihii u dambeeyay magaalada ka socdeen shirar iyo abaabulo siyaasadeed oo ay wadeen siyaasiyiin, xildhibaano iyo Madaxdii hore, waxaana shirarkaas looga arrinsanayay xaalada siyaasadeed ee uu dalku galay iyo xayiraadii lagu sameeyay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo iyo xayiraadii la saaray diyaaradaha aada Kismaayo.