VIDEO: Puntland oo daah-furtay Xafiiska Diiwaan-gelinta Canshuur bixiyayaasha (Sawirro)

Wasiir Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi, ayaa maanta daah-furay Shir u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada Reer Puntland ee ku sugan Caasimadda.

Shirka oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ujeedadiisu aheyd sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeenta Wasaaradda Maaliyadda iyo Canshuur bixiyaasha waa weyn.

Sidoo kale, Shirkan ayaa lagu daah-furay Xafiiska Canshuur bixiyayaasha Ganacsatada Waawayn, Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland ayaana xusay ahmiyadda ay lee dahay diiwaan galinta ganacsatada, waxaana uu ku dhiiri-geliyay ganacsatada galiyay inay qaataan lambarka
Canshuur bixiyaasha.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa xusay in Xafiiska Canshuur bixiyayaasha Ganacsatada Waa wayn uu ka qeyb-qaadanayo horumarka ganacsatada, sida in loo ilaaliyo magaca hantidooda iyo in ay kaga qeyb-gali karaan qandaraasyada.