Xuutiyiinta oo ‘sii daynaya maxaabiis Sacuudiyaan ah’

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay maanta sii deyn doonaan 350 maxaabiis oo ay ku jiraan saddex u dhashay dalka Sacuudiga, taasi oo qeyb ka ah hindise nabadeed oo ay waddo QM.

Maxaabiis is-weydaarsiga u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa ahaa mid ka mid saddexda tiir ee heshiis bishii December lagu gaaray dalka Sweden.

Si kastaba, maxaabiis is-weydaarsiga oo ay kormeere ka tahay QM, kuna lug leeyihiin 7,000 oo maxaabiis labada dhinac ah, ayaa hakaday sababo la xiriira dhinacyado oo isku raaci waayey qaabka heshiiska loo fulinayo.

“Hindisaha aan wadno wuxuu caddeyn u yahay sida la isugu halleyn karo inaan fulino heshiiska Sweden, waxaana dhinaca kale ugu baaqeynaa tallaabo taas la mid ah” Waxaa sidaas yiri madaxa arrimaha maxaabiista ee Xuutiyiinta Abdul Qader al-Murtada, oo bayaan uu soo saaray lagu baahiyey taleefishinka Xuutiyiinta ee al-Masirah TV.

“350-ka maxaabiis…waxay ku jiraan liiska maxaabiista ee heshiiskii Sweden” ayuu yiir.

Isbahaysiga Sacuudiga weli kama aysan jawaabin hindisaha ay maanta shaaciyeen Xuutiyiinta.

AFP