Howlgallo ka socda maanta duleedka Garoonka Balli-doogle

Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu saakay ka socdo dhaqdhaqaaq Xoogan oo ay sameynayaan Milataryga Mareykanka ee dagan Garoonka Balidoogle iyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo Weerar Xoogan oo Shalay lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Amerikanka ay ku leeyihiin Gobalka Sh/hoose.

Sarkaal katirsan Ciidamada Danab gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhiga Mareykanka ee Balidoogle ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay in dhaqdhaqaaqa Ciidamada uu salka ku hayo Howlgal la doonayo in deegaanada Gobalka looga saaro Xoogaga Al Shabaab.

Dhanka kale waxaa laga yaabaa Saakay inuu mar kale dagaal ka dhaco inta u dhaxeysa Degmada Wanlaweyn iyo Garoonka diyaaradaha Balidoogle oo saakay ay buux dhaafiyeen ciidamo huwan ah.

Weerarkii Shalay lagu qaaday Xerada Ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka ee Balidoogle ayaa waxaa guulo ka kala sheegtay Taliska difaaca Mareykanka, Saraakiisha ciidamada dowladda iyo hogaanka Al Shabaab ee Soomaaliya.