Madaxweynaha Puntland oo qaadacay Shirka SPF oo maanta furmaya

Dowladda Puntland ayaa qaadacday Shirka Caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho, kaas oo horey loogu qaban jiray dalalka Yurub.

Madaxda lagu casuumay shirkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, hayeeshee uu qaadacay Shirka isla markaana uu ka baaqday inuu ka ka qeyb galo.

Shirka caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli aysan wanaagsanayn xiriirka ka dhaxeeya DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, waxa ayna u muuqataa in cadaadis xoog leh uu soo wajahay DFS.

Sidoo kale, Baaqashada Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa sababtay in Beesha Caalamku ay hoos u dhigto maqaamka dadka ku matalaya Shirkan., taas oo niyad jab ku riday Madaxda Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu iska diiday Shirka, kaddib markii uu socon waayay dalabkiisii ku aadanaa in Shirka laga bedelo Magaalada Muqdisho oo ay hareeyeen Xaalada amni darro, taas oo fashilisay dhamaan qorshihii loogu tala-galay Shirka.