Madaxweyne Deni oo ka hadlay sababta Puntland uga baaqsatay Shirka Muqdisho+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlayay kulan caawa uu la yeeshay Shacabka Magaalada Boosaaso ayaa si adag uga hadlay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay Shirkan uga hartay kaddib markii la marin habaabiyay qorshihii loo qaban jiray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya, isagoona xusay inaan laga tashan Shirkan ajandihiisa.

Sidoo kale, Mr. Deni ayaa sheegay in aysan Puntland aqbalayn madal aan loogu hadlayn danta guud ee Soomaaliya, sidoo kalena aan la fulinay waxa kasoo baxa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in Bulshada Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed si toos ah ula wadaagto Dooda ay qabtay, aysana doneyn qol hoosta laga xirto.

Ugu dambeyntii,  Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland iyo Guud ahaan Soomaalida in la ilaaliyo Nabadda iyo Midnimada Dalka, loona dhag yeesho Xaqiiqada dhabta ah.