Xisbiyadda Siyaasadda oo Muqdisho uga dhawaaqaya Isbaheysi cusub

Isbaheysi cusub oo ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Himilo Qaran, UPD, Wadajir, Ilays, Horu-socod iyo kuwa kale, ayaa Goor-dhow looga dhawaaqi doonaa Magaalada Muqdisho.

Shirar Labadii maalmood ee la soo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho Axsaabta Siyaasadda Soomaaliya, ayaa looga arrinsanayay xaalada siyaasadeed iyo amni ee dalka, waxaana la sheegayaa in bayaan wadajir ah ay soo saari doonaan.

Wararka ayaa sheegaya in Kulamadan oo ahaa kuwo si xiriir ah ay u yeelanayeen siyaasiyiinta iyo Madaxdii hore la isku raacay in la sameeyo Isbaheysi ama Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xubnaha Xisbiyada oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka ay goor dhow shir jaraa’id wada jir ah ku qaban doonaan Muqdisho.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in mowjadaha siyaasadeed ee uu dalku galay ay hordhac u yihiin doorashada sanadka 2020/21 oo ay muuqato in xooggaga siyaasadda Soomaaliya ay aad ugu loolamayaan.