Banaan-bax looga soo hor-jeedo Shirkii Muqdisho oo Kismaayo ka dhacay (Sawirro)

Mudaharaad ballaaran oo looga soo horjeeday shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo. Dhallinyarada, Ardayda, Haweenka, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo qaban qaabiyay bannaanbaxa maanta.

Bannaan baxayaasha ayaa socod dheer ku maray wadooyinka Magaalada Kismaayo, kadib waxaa goob fagaaro ah dadka kula hadlay Masuuliyiin k tirsan dowlad goboleedka Jubbaland oo uu kamid yahay Madaxwayne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka waxbarashada ee dowlad goboleedka Jubbaland.