James Swan “Waa in si deg deg ah loo dhameeyaa Khilaafka Jubbaland iyo DFS”

Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador james Swan oo ka qeyb-galaya Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ka hadlay Arrimo ay kamid yihiin xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo  khilaafka Dowladda & Jubbaland.

Amb. James Swan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xal loo helo Siyaasadda loo dhanyahay,isla markaana  loo diyaar garoobo Wada hadalo ay yeeshaan Dowladda iyo dhinacyada kale.

Sidoo kale, Amb. James ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafkaas lagana gudbo su’aalaha ka dhashay  Awood qaybsiga  dhinaca Dhaqaalaha.

Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay ka qyeb-galeyn Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada Muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.