Madaxweynaha Puntland oo si adag uga hadlay Xaalada Soomaaliya iyo qorshaha Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay magaalada Boosaaso bulshada gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimo, nabadoono, siyaasiyiin iyo boqolaal ka mida shacabka gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa khudbad tariikhiya u jeediyey shacabka gobolkaasi ee uu kulanka la qaatay, waxaa uu ka hadlay Madaxweynuhu waxqabadka Xukuumadda, hindisaha Dowladda ee horumarinta Puntland, muhiimadda shirkii maalgashi, mashariicda maalgashi ee ka bilaabanaaya Puntland, gaar ahaan Boosaaso iyo arrimo kale oo muhiim ah.

“Waxaa sharaf weyn ii ah in aan caawa halkaan kula kulmo bulshada gobolka Bari oo runtii ah laf-dhabarta dowladda Puntland, waxaad ogsoon tihiin markii dowladdi dhexe burburtay dadka Soomaaliyeed’na kala irdhoobeen sida ay nasiibka ugu heshay in ay marti-galiso dadyow kala duwan oo deegaano Soomaalyeed ku noolaan jiray, waxaan idiinka mahad-celinaynaa sida aad dadkaa usoo dhawayseen, amaan badan bay mudan yihiin dadka reer Boosaaso oo dadkaas ka dhigtay walaal”.

“Runtii magaaladan waa meeshii uu ka yimid fikirka Puntland maxaa yeelay dadka reer Puntland oo dhan bay gabaad u ahayd, Boosaaso oo markaas ahayd isha kaliya oo nololi ka jirtay dadkii halkaas iskugu yimid waxyaabaha ay xoogga saareen waxaa ka mid ahaa sidii Puntland ay u heli lahayd Dowlad danaheeda ka shaqaysa intay hayso in ka badan ku kordhisa waxaa nasiib wanaag ahaa guddigii Puntland Aas-aaskeeda hogaaminaayey gobolka Bari waxaa u matalayey senator Bootaan maantana asagoo senator ah meesha ayuu fadhiyaa, waxay soodhoweeyeen shirar badan oo Soomaalidu halkaan ku qabatay waxay soodhoweeyeen dad badan oo deegaanadoodii dhib ka dhacay, una sameeyeen taakulayn dhismihii Puntland, waxaa laf-dhabar u ahaa Boosaaso oo dhaqaalihii lagu dhisay qeyb ka qaadatay “.

“Waxaad ogtihiin burburkii ka dib madaxdii iga horaysay waxay dedaal ku bixiyeen sidii kaabayaasha dhaqaalaha loo hormarinlahaa dadka tirada badan ee halkaas fadhiya waxay muujinaysa sida uu waxtarka u leeyahay nadaamka federaalka oo Puntland aas-aas u ahayd. Dowladdan waxay dedaal u gashay hanaan ka duwan kii hore sida ugu wanaagsan ee lagu hormarin karo hanaanka dhaqaalaha, waxaan u jeedsanay dhinaca maalgashiga iyo in aan ugu baaqno ganacsatada Soomaaliyeed, kuwa reer Puntland iyo kuwa deegaanada kaleba oo markii hore kusi jeeday maalgashiga wadamo shisheeye, iyagoo u sababaynaaya duruufo amni iyo kaabayaal dhaqaale”.

“Waxaa Alle mahaddiis ah oo aanan rabin in aan hordhac ka sameeyo indhihiinana aad ku arko doontaan In dekedda Boosaaso dhismaheedu dhowaan bilaaban-doono isbadalkii aan filaynay la arki doono, magaalada Boosaasana quruxdii iyo amnigii ay lahayd ay soo noqon-doonto, waxaan dhowaan balaarin doonaa garoonka diyaaradaha Boosaaso oo aan awood badan u lahayn wax dhoofinta. Dhanka kale waxaan u baahanahay reer Puntland dadka nabadgelyada wiiqaya in aysan nabadgelin in ay meel uga soo wada jeesadaan sidii nabadeena aan u horumarsan lahayn, waxaan ku kalsoonahay dadka reer Puntland oo taariikhiyan lagu yaqaan dad nabadda jecel lagu yaqaan dad wada noolaanshaha jecel lagu yaqaan dad dowladnimada taageera, habaca nagu dhacay muddooyinkii dambe in aan iska qaadno oo u muuqano wixii dadka Soomaaliyeed iyo caalamku naga fili jiray oo dad sharaf iyo karaamo iyo dowladnimada ku faana in aan noqono”.

“Maanta waxaa ka furmay Magaalada Muqdisho Shir layiraahdo Shirka ‘Somali Partnership Forum’ oo ay ku kulmaan madasha isbahaysiga Soomaaliya iyo Caalamka oo looga tashado Marxaladda Soomaaliya Marayso iyo sidii Hormarkeeda looga shaqayn lahaa. Dawladda Puntland Shirkaas Kama aysan Qayb-galin, waxaan rabaa dadweynaha reer Puntland inaan halka kala wadaago sababaha kalifay in Puntland Ka qayb gali waydo, maadaama Puntland ay ahayd Hooyadii Faderaalka, Maadaama Puntland ahayd xubin aasaasi u ah Midnimada Soomaaliya iyo Federaalaynta, iyada iyo xubnaha kale ee dawladuhuna ay arrintaas kasimanyihiin.”

“Waxaan aad uga xunahay Shirka noocaas ah intaas le’eg, in Puntland aan laga tala galin in Puntland ay baraha bulshada ka aragtay ajandaha shirka iyo sida uu u dhiganyahay, in Puntland ay ka aragtay waxa loo yaqaan Communique ama wixii kasoo bixi lahaa shirka oo diyaarsan, waxaan ka xunahay markii aan hubsanay inay arrimahaas sidaas ujiraan oo aan talo kulahayn, oo waxa kasoo baxaya aan ra’yi kulahayn oo Puntland baahiyaheeda aan lawaydiinayn, oo idinkuba waa arki kartaane layiraahday waxaad kuleedihiin Shan daqiiqo oo dadka carabiga yaqaana layiraahdo “TACLIIQ” ama “REMARKS” Khudbad nin akhriyay ayaa shan daqiiqo idinkuna waxaad leedihiin inaad Comments ka bixisaan ama ka hadashaan, intaas in ay noqotay qiimihii Puntland laga dhigo aad baan uga xumaaday runtiina wax Puntland ay qaadan karto ma aha Bulshada Caalamka oo dhanna si cad ayay ugu cadaysay inaysan arrintaas raali ka ahayn” Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka gobolka Bari uga mahadnaqay kasoo qayb galka kulankani taariikhiga ah ee caawa ka qabsoomay caasimadda ganacsiga Puntland ee Boosaaso.