Mareykanka oo shuruud adag ku xiray taageerada Soomaaliya

Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiga Soomaaliya Ambassador Donal Yamamoto  ayaa sheegay in taageerada ay Maraykanka siinayaan Soomaaliya ay xilligaan tahay mid diyaarsan,hayeeshee Dowladda Federaalka looga baahan inay la timaado siyaasad loo dhanyahay.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday dadaalada dowladda ay wado oo ku aadan qorshaha deyn cafinta,waxaana uu sheegay in dayn cafinta aysan ahayn oo qura dhanka Maaliyadda balse ku jirto siyaasad Wanaagsan oo loo dhanyahay.

Arrimaha khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayuu ka hadlay,isaga oo dhowr mar ku cel celiyay in dowladda ay muhiim tahay inay diyaariso siyaasad mideysan oo loo dhan yahay.

Xubnaha Wakiilada Caalamka ee ka qeyb-galaya Shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga ayaa intooda badan dalbanayay in dowladda Federaalka ay la timaado siyaasad loo dhan yahay, iyada oo shirka ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland oo ah Dowladaha ugu tunka weyn xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.