Saraakiil ka tirsan Ciidanka Danab oo Qarax lagu dilay

Qarax xoog leh,ayaa ka dhacay Wadada udhaxaysa Afgooye iyo Ceelasha Biyaha.

6-Askari oo ay ku jiraan laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee Danab,ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen.

Sidoo kale dhaawacyo culus,ayaa soo gaaray Askar kale oo aan tiradooda la xaqiiijin.

Wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa inta badan waxaa qaraxyo loogu geystaa ciidamada AMISOM, kuwa dowladda iyo masuuliyiinta ka tirsan dowladda Fadaraalka Soomaaliya ee is ticmaala wadadaas.