Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay Shirka SPF ee ka dhacay Muqdisho (VIDEO)

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay shirka iskaashiga oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan ahayn wax wanaagsan in shir u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ay ka maqan yihiin Maamul Goboleedyada la qabto.

”Waa arrin aan fiicneyn in la qabto shir u dhexeeya DF iyo beesha caalamka oo maamul-goboleedyadu joogin,Wiilal yar yar oo masaakiina oo qurbaha jooga ama lamarin-habaabiyey ee lasoo adeejiyey Caay ay Caytameen anagu xaqa ugama istaageyno” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dalkaan ay ku dhex-jiraan laba cadow oo kala ah Shabaab iyo Dowladda, waxana uu ku tilmaamay wasiirada dowlada kuwo aan ka hadli karin xaq iyo wixii jira.

“Marnaba dalkan dhibaatada ka jirta ka hadaliiisa ugama hari doono Wiilal yar yar oo masaakiina oo qurbaha jooga ama lamarin habaabiyey ee caaytamaya,aana wadeynaa waxa aan xaqa u leeyahay ayuu yiri” ayuu yiri Sheekh Shariif.