Shirkii SPF Ee Muqdisho oo fashil kusoo idlaaday

Shirkii 4-aad ee Somali Partner Forum Muqdisho ee maqaamkiisu hooseeyay,waxaa la oran karaa waxba kama soo bixin sidii la filayay.

Madal muhiim ahayd oo ka khasaartay horusocodnimada horumarka Somaliya,ayay taariikhda ku galay.

Qodobka laga dhex helay kulanka ee ay wakiiladii ku matalayay beesha caalamka afka ay ku balaariyeen,ayaa ahaa in Villa Somaliya si aan gabasho lahayn loogu sheego baahida xiligan ee Dalka,taasoo ah ”Inclusive Policy” Siyaasadda loo dhan yahay

Beesha caalamku waxay qeexday in midow Siyaasadeed ay tahay xiligan muhiimada koobaad ee Somaliya oo ah n la baadi goobo.

Ka maqnaanshaha shirka ee Puntland iyo Jubaland waxay ka dhigtay mid aan macno lahayn.
.
Dowlada haysata aqoonsiga Qaramada midoobey ee fadhigeedu yahay Villa Somaliya,waxay ku jirtaa dabayaqaadii mudo xileedkeeda,iyadoon haba yaratee aan waxba ka qaban arimihii horyaalay ee ay ahayd in ay hirgaliso ka hor 2021.