Video:-Safaaradii Maraykanka Ee Somaliya oo dib si rasmi ah loogu furay

“Dib u furidda safaaradda Muqdisho waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib u billaabidda xiriirka joogtada ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya, waana astaan xoojineysa xiriirka labada dal iyo sare u qaadidda xasilloonida, horumarka, iyo nabadda Soomaaliya iyo gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka.


Dib ufurida Safaarada Maraykanka ee Somaliya,ayaa ka turjumaysa muhiimada Dowlada Maraykanku siinayso xiligan Somaliya.

Maraykanka,ayaa xiray Safaaradisii uu ku lahaa Somaliya mudo hada laga joogo ku dhawaad 30-sano,xiligaas oo ay burburtay Dowladii dhexe dalkuna galay dagaal sokeeye.

Dadaalkii ugu xooga badnaa ee dib usoo celinta xiriirka diblomaasi ee Maraykanka iyo Somaliya,waxaa samaysay oo mudnaanteeda iska leh Dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka