Xaaf oo hadal ka nixiyay Villa Somaliya ka sheegay shirka Muqdisho

”Shirkan looma dhama,waxaana muhiim ah in Maamulada ka maqan loo jiheeyo siyaasada,xataa waa in Somaliland la keenaa”sidaa waxaa ka yiri shirka Madaxweyne Xaaf.

Villa Somaliya ma filayn hadalka sida lama filaanka ah uga soo baxay Xaaf,waxaana warar hoose sheegayaan in ay aad uga shalaayeen keenistiisa Shirka oo ay markii hore u arkayeen guul siyaasadeed.

Xaaf,ayaa maalin ka hor soo saaray qoraal uu ku sheegay in uu dib ugu soo ceshtay wakaalad uu horay ugu wakiishay Wasaarada arimaha gudaha Fadaraalka dib u heshiisiinta Galmudug,waxuuna iskugu yeeray Golihiisii Wasiirada.

Xog-ogaal siyaasadeed oo la socda isjiid-jiidka Galmudug,ayaa tilmaamayay in warka kasoo baxay Xaaf ee lasoo noqoshada Wakiilnimada uu ahaa mid siyaasadaysan oo Villa Somaliya ay ka danbayso si ay ugu khalado mucaaradka ay ka dhaqaajin wayday qorshaheedii Galmudug.