Boosaaso: Madaxweyne Deni oo kulan deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid C/llaahi Deni, oo ku sugan Magalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa la filayaa in maanta oo khamiis ah kulan deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada.

Kulanka oo ah midaan la qorsheeynay ayaa Madaxweyne Deni shalay isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, waxaana uu la qaadan doonaa kulan xasaasi ah oo looga hadli doono arrimo muhiim ah.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi looga hadli doono qodobo ay kamid yihiin, Arrimaha Shirka Madasha Caalamka & Soomaaliya ee shalay lagu soo xiray Muqdisho iyo khilaafka xoogeystay ee ka dhaxeeya Dowladda Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa horay u diiday ka qeyb-galka Shirka Madasha Soomaaliya iyo Caalamka, waxaana lagu waddaa in Puntland ay ku dhawaaqdo maanta  go’aamo cusub oo ka dhan ah Dowladda Federaalka .

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.