Ciidanka Puntland oo dilay xubno katirsan Al-Shabaab

Hawlgalo ay fuliyeen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa lagu dilay Hoggaankii Sahanka iyo Sirdoonka Kooxda Al-Shabaab iyo tiro ka mif ah Maleeshiyadka kooxdaas.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay Degaanada Maar iyo Madarshon, oo Magaalada Boosaaso u jira Masaafo dhan 70-KM.

Ciidanka PSF-ta ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgallo balaaran ka waday Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag, waxaana inta socdeen ay ku khaarajiyeen Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlayay Magaalada Boosaaso habeen kahor ayaa ku amaanay Ciidamada PSF sida ay u xoojiyeen ammaanka gudaha ee Degaanada Puntland.