Dood ka dhalatay Hab-dhaqan uu la tagay Shirkii SPF Wasiir Cawad!! (VIDEO)

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa dhaleeceyn badan kala kulmay hab-dhaqankii uu la tagay Shirkii Madasha iskaasha Soomaaliya iyo caalamka ee shalay kusoo gaba-gaboobay Muqdisho.

Wasiir Cawad  ayaa kasoo muuqday Khudbad uu ka jeediyay shirka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Finish, isagoo oo madasha ku dhex ruugaya Xanjo taas oo si weyn loogu hadal hayay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay.

Dadka ayaa ku dhaliilay Wasiirka in uu yahay ruux aan aqoon baratakoolka shirar caalamiga ah, gaar ahaan kuwo looga hadlayo arrimaha masiiriga uu ah Dalka, iyagoona xusay in hab-dhaqan wasiir arrimaha dibedda uu sawir dhab ah ka bixinayo Pratakool Masuuliyiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo inay yihiin dadan aqoon u laheyn nidaamka caalamiga ah.

Hoos ka akhriso Fal-celinta ay dadku ka bixiyeen Hab-dhaqanka Wasiir Cawad.