Duqa Garoowe oo dacwad ka gudbiyay Xildhibaano

Duqa Degmada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Axmed Siciid Muuse ayaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland u gudbiyey dacwad ka dhan ah Sadex xildhibaan oo ka tirsan Golaha degaanka degmada Garowe kuwaas duqa caasimadu ku eedeyey in ay u kula kaceen Afduub, Hajabaad iyo Isku day gacan qaad falkaas oo uu sheegay in uu ka dhacday xafiiskiisa gudihiisa 25/09/2019.

Duqa ay masuuliyiinta qoraalkiisu ku socdo ka codsaday in arintaasi wax laga qabto isla markaana la mariyo wixii sharcigu ka qabo .

Qoraalka oo toos loogu socod siiyey xeer ilaaliyaha guud waxaa la ogaysiiyey Wasaaradaha Arimaha gudaha , Amniga ,Taliska booliska iyo Gudoomiyaha gobolka Nugaal.