Hoggaamiye iska casishay xilkii Madaxweyne maalin kaddib dhaarinteedii

Waxay ahayd dib u gurasho aan la fileyn, haweeneyda ay Baarlamaanka Peru u magacaabeen in ay noqoto “kusimaha madaxweynaha” ayaa is casishay saacado ka dib markii xilka loo dhaariyay.

Waxay dhaarinta Mercedes Aráoz ka dambeeyay xildhibanno ka hor yimid go’aanka madaxweyne Martín Vizcarra oo kala diray xildhibaannada, shaqadana ka joojiyay.

Tallaabada lagu dhaariyay waxay ka dhignayd in Peru uu si kooban u yeeshay laba siyaasi oo kala sheeganayay xilka madaxweynaha.

Iyadoo uu jiray qalalaase dastuuri ah, haddana inta badan xaaladda Peru ayaa deggan.

Ms Aráoz waxay ahayd madaxweyne ku xigeenkii Mr Vizcarra, illaa uu ka billaabanayay khilaafka sababay in madaxweynaha uu ku go’aansado inuu baarlamaanka kala diro.

Waxaa xilka u dhiibay xildhibaannada mucaaradka ah oo ku doodaya in Mr Vizcarra uu jebiyay dastuurka, waxayna ku dhawaaqeen inuu xilkiisa bannaan yahay.

Waxay sheegeen in shaqada xafiiska madaxweynaha ay muddo sannad ah ka joojiyeen Mr Vizcarra, balse dowladda waxay ku doodeysaa in codeynta baarlamaanka ay dhacday ka dib go’aankii madaxweynaha uu Baarlamaanka ku kala diray, tallaabadaasna ay tahay waxba kama jiraan.