Madaxweynaha Jubbaland “Hanaanka Siyaasadda loo dhan yahay Dalka kama jirto” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in hannaanka siyaasadda loo dhan yahay aanay dalka ka jirin, isagoo caddeeyay in wixii ka soo baxa Shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho aanay anfaceynin dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo xalay ka hadlayay Munaasabadda sanad-guurada 4aad ee Telefishinka Jubbaland ayaa sheegay in loo baahan yahay in arrimaha Masiiriga ah heshiis laga gaaro, sida doorashooyinka iyo dhameystirka dastuurka.

Waxaa uu sheegay in hannaanka deyn cafinta Soomaaliya uu dhaqan geli karin, iyadoo Madaxda dowladda Federaalka ku tumanayaan sharciga dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Deyn cafintu ma dhaqan geli karo, iyadoo Madaxda Villa Somalia joogta ay ku tumanayaan sharciga dalka, waa in qof walba Soomaali ah qeyb ka yahay deyn cafinta dalka lagu leeyahay, balse wadadii looga bixi lahaa ayna heynin dowladda Federaalka”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Wakiilada Beesha Caalamka ee ka hadlayay shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa ku celcelinayay qodobka siyaasadda loo dhan yahay oo laga dalbaday dowladda Federaalka in la timaado hannaan siyaasadeed oo heshiis lagu yahay, si xal loogu helo khilaafyada siyaasadeed ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa soo dhoweeyay Madasha looga dhawaaqay Muqdisho ee ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda,