Ma dhab baa inuu Madaxweyne Deni xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobalka Bari ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo), kaas oo sanadihii ugu dambeeyay maamulayay Gobalka.

Xil ka qaadista Mr. Dhedo ayaa timid kaddib markii Madaxweyne Deni uu ku eedeeyay Guddoomiyaha inuu gabay waajibaadkii uu Gobalka Bari uga hayay Dowladda ee aheyd Matalaada Dowladda iyo in uu Shacabka ku qanciyo Siyaasadaha Dowladda ee ku aadan Xasilinta amniga iyo dhaqaalaha Gobalka, gaar ahaan Magaalada Boosaaso oo ah xarunta Ganacsiga Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobalka Bari loo magacaabi doonaa Maxamed Siciid Kaashawiito, wallow aan la shaacin.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dib u habeyn ku wada Maamulka Gobalada Puntland ku matala Dowladda, isagoona horey ugu magacaabay Guddoomiyayaal Cusub Gobalo ay kamid yihiin Mudug, Karkaar iyo Sanaag, isagoona haatan ku sugan Magaalada Boosaaso oo uu ka waday muddooyinkii ugu dambeeyay kulamo uu la yeelanaya qeybaha kala duwan ee Bulshada.