Nabadoon Qalyar oo u geeryooday dhaawacii loogu geystay Kismaayo

Allaha u naxariistee, waxaa xalay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ku geeryooday Nabadoon Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar oo si aad ah looga yaqaanay Degaanada Jubbaland.

Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar ayaa u geeriyooday dhaawac kooxo hubaysan ay ugu geysteen gudaha Magaalada Kismaayo 13-kii Bishii September ee aan kasoo gudubnay, waxaana lagu dabiibayay isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo.

Nabadoonka ayaa kamid ahaa Dadka aadka u dhaliili jiray Siyaasadda Xukuumadda Jubbaland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa cambaareyay weerarkii lagu dhaawacay Nabadoon Qalyan, iyagoona sheegay in Laamaha ammaanka Jubbaland ay ku dabajoogaan Kooxaha dhaawacay Nabadoonka, ayna cadaaladda mudan doonaan.