Amb. Geelle “Waxaa jira Dad ku hareeraysan MD Farmaajo oo aan dooneyn Doorasho” (VIDEO)

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa tallo u soo jeediyay Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo xilli maalmihii ugu dambeeyay xiisad Siyaasadeed ay dalka ka taagneyd.

Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu dhaxal wanaagsan oo taariikhda u gala inuu dalka uga tago, isagoona xusay inay jiraan shaqsiyaad ku hareereysan Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo raba in doorasho aan la mahdin doonin ay dalka ka dhacdo.

“Madaxweyne waxaa ku haray maalinkii dhaxalkaga aad reebi laheyd, waxaa ka haray doorashooyin qurux badan, dadkii oo isu doontid, waxaa taarikhda ku geli doonta inta maamul gobol ee siyaasi ee ka adkaatay ku geli meysid inta iyagoo ku diidan oo soo maslaxday dalka ku soo dartay ayaa ku geli doonta, inta shey aad u dulqaadatay ayaa ku geli doonta, inta duulaan ee gudaha aad qaaday ku geli meysid”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.