Burcadda Internet-ka Iran oo u dhacday ololaha doorashadda Maraykanka.

Burcadda internet-ka oo u muuqda in ay ku xiranyihiin Dowladda Iran ayaa u dhacay doorashadda Maraykanka ee 2020, sida ay sheegtay shirkadda Microsoft.

Kooxdu waxay weerareen in ka badan 200 email kuwaas oo qaarkood ay leeyihiin dad ka shaqaynaya ololaha doorashadda Madaxweynaha, ayey shirkaddu ku sheegtay war ay soo saartay.

Wakaaladda Wararka Reuters oo xiganeysa ilo wareedyo ayaa sheegtay in la beegsaday ololaha dib usoo doorashadda Madaxweyne Donald Trump. Afayeen u hadlay ololaha Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in aysan jirin wax cadeynaya in ololaha la beegsaday.  Dowladda Iran dhankeeda weli kama aysan hadlin eedaha loo jeediyay.

“Maanta waaan aragnay dhaq-dhaqaaq weerar internet ah oo ay wadaan koox lagu magacaabo Phosphorus, kwaas oo ku sugan Iran xiriirna la leh Dowladda Iran” ayey Microsoft ku sheegtay Warkeeda.

Kooxdaan ayaa la sheegaya in ay sameeyeen in ka badan 2,700 oo isku day si ay u aqoonsaan email-ladda muddo 30 maalmood ah ee bilihii August iyo September. Kadibna waxaa ay ku guuleeysteen 241 akoon.