DFS oo kahor timid in sanad dib loo dhigo Dhageysiga Kiiska Badda (Warbixin)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Xarunta Maxkamadda ee The Hague ayaa waxaa ku sugan Wafti ka socda Dowladaha  Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo halkaas tagay kaddib markii Maxkamadda Cadaaladda adduunku ay u yeertay Labada dhinac.

U yeeritaanka labada Dowladood ayaa ka dambaysay markii la sheegay in Kenya ay soo gudbisay codsi kale oo ahaa in dib loo dhigo dhagaysiga ilaa bisha Sebtember 2020-ka, si ay u qoroto Qareeno cusub, sidoo kalena ay ugu diyaar garowdo iska difaaca Dooda Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya Waftiga soomaaliya eek u sugan Hague, ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin Dowladda Soomaaliya in dib loo dhigo Kiiska Maxkamadda.

Sidoo kale, Mr. Guuleed ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gudbisay qoraalkeeda diidmada ah, islamarkaana Kenya ay dhankeeda soo gudbisay in muddo 12 bilood ah lagu daro.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa bishii hore ku kulmay Magaalada New York intii uu socday kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyadoo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku baaqay inay labada dawladood wada hadlaan, halka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in loo baahan yahay in maxkamadda ICJ ay go’aan garsoor ka gaarto muranka badda.

Dhagaysiga dacwaddan ayey ahayd inuu dhaco 9-13 kii bisha Sebtember ee aynu soo dhaafnay hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid dhinaca Kenya oo ku dooday inay qabsanayso qareenno cusub.