Kala-fadhiga Golaha Degaanka Garoowe oo saaka furmay (Sawirro)

Waxaa saaka xarunta PDRC ee caasimadda Puntland ka furmay, kalfadhiga 27-aad ee golaha degaanka degmada Garoowe.

Kalfadhiga waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland, xubno ka tirsan Baarlamanka Puntland, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, isimo, cuqaal, ganacsato, iyo marti sharaf kale.

Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse oo khudbad ka jeediyay ayaa hadda ka warbixinaya waxqabadkii maamulkiisa ee mudadii u dhexaysay labada kalfadhi iyo sidoo kale barnaamijyada waxqabad ee u qorshaysan.