Khasaaraha Ka Dhashay Rabshadihii Ka Socday Ciraaq Oo Korortay

Waxaa aad sare ugu kacay tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Ciraaq ee afartii maalmood ee la soo dhaafay dalkaasi ka dhacayay kuwaas oo gaaray ugu yaraan 60 qof, ilo dhinaca caafimaadka iyo ammaanka ah ayaa sidaasi sheegay.

Tirada ayaa laba laabmatay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, xilli ay sare u kaceen iskudhacyada u dhaxeeya dibadbaxayaasha iyo booliska.

Milateriga ayaa sheegay “shiishyahanno aanan la ogaan waxa ay yihiin” ayaa waxa ay magaalada Baqdaad ku dileen afar qof oo ay ka mid yihiin laba askari oo boolis ah.

Ra’iisul Wasaare Caadil Cabdul-Mahdi ayaa goor sii horraysay sheegay in “dalabaadka saxda ah” ee dibadbaxayaasha la maqlay, balse waxa uu dalbaday in la isdajiyo.

Dibadbaxyada aanan la sii qorshayn ayaa waxa ay bilowdeen Talaadadii xilli uu aad sare ugu kacay walwalka ka taagan shaqa la’aanta heerka sare ah ee haysata dhalinyada, adeegyada bulshada ee aadka u liita iyo musuq maasuqa dalkaasi ka hareeyay.

Arrintan ayaa waxa ay noqonaysaa loollankii ugu waynaa ee ay soo wajahdo dowladdan jilicsan ee Mr Mahdi, taas oo awoodda la wareegtay sanad ka hor.