Saraakiil sare oo kamid Ciidanka Puntland oo xabsiga la dhigay

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in Xabsiga loo taxaabay Maxamuud Cabdullqaadir Sumaysane oo ahaa Talyihii Ururka 21-aad ee Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland iyo Cali Jamhad oo agaa Taliyaha Ururka 13-aad ee Ciidanka Daraawiishta.

Xiraga Saraakiisha ayaa yimid kaddib markii darajooyinkii lagala laabtay, iyadoona Ciidanka amnigu ay soo xireen.

Saraakiishan la xiray ayaa hoggaaminayay Ciidan habeeno kahor soo dul-dagay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, kaddib markii ay soo baneeyeen Jiidaha dagaalka, waxaana Ciidankan ay ka cabanayeen Mushaar ka maqan Labo bilood.

Ciidanka cabanayay ayaa la siiyay Mushaarkoodii iyadoona lagu amray inay dib ugu laabtaan Jiidaha ay soo baneeyeen.

Taliska sare ee Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland ayaa horey ugu eedeeyay qaar kamid ah Saraakiisha Ururada Ciidanka inay hor-taagan yihiin Tirakoobka iyo Tayeynta Ciidanka ee ay waddo Xukuumadda Madaxweyne Deni, waxaana la filayaa in dhowaan la xareeyo inta badan Ciidanka Daraawiish-ta oo loo furayo tababaro.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.