Socdaalkii kismaayo Ee Xasan Sh. iyo Sh.Shariif oo beesha caalamku soo faragalisay

Waxaa isoo gaaray in Madaxweynayaashii hore Xasan Shiikh iyo Sh.Shariif ay si nabad ah oo aan khash-khashaad lahayn uga dhoofi doonaan Muqdisho,iyagoo si toos ah uga degi doona garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Kismaayo.

Socdaalka Madaxweynayaasha ee Kismaayo,waxaa soo faragaliyay beesha caalamka oo ka baqday in kacdoon shacab uu ka dhaco Muqdisho.

Hadii ay dhab noqoto xogtan waxay noqon doontaa dharbaaxadii labaad oo xoog badan kuna dhacda dowlada haysata aqoonsiga Qaramada midoobey ee Villa Somaliya.

Shirkii SPF ee Maalmo ka hor ka qabsoomay Muqdisho ayay wakiilada beesha caalamku si adag udhaliileen siyaasada Villa Somaliya,isla markaana usheegeen in looga fadhiyo siyaasad lagu midaysan yahay iyo Dowlad Goboleedyadii oo qanacsan.