VIDEO: Cumar C/rashiid oo dhaliilay hab-dhaqanka Madaxda DFS

Ra’iisulwasaarihii Hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa si kulul ugu eedeeyay Xukuumadda hada jirta inay ku howlan tahay inay afla-gaadeyso Madaxdii Hore ee Dalka iyo Siyaasiyiinta.

Cumar C/rashiid ayaa tilmaamay inay tahay wax laga xishoodo in Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ay dhaqaale iyo juhdi ay ku bixiso afla-gaadada Madaxdii Dalka soo maray, Iyadoo adeegsanaysa dhalinyaro yar yar iyo Saxaafadda qaarkeed.

Waxaa uu sheegay in aysan ka leexan doonin in la dhaliilo waxyaabaha ka khaldan Xukuumadda, si lamid ah sidii loo dhaliili jiray Xukuumaddii ka horeeyay kolka ay wax khaldan.