Video:-Muqdisho: Wasiirka Amniga Jubbaland oo Maxkamad lasoo taagay

Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland  Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ), ayaa maanta la hor-geeyay Maxkamadda Maamulka Gobalka Banaadir.

Wasiir C/rashiid Janan ayaa waxaa Maxkamadda maanta lala keenay Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo Beled Xaawo, waxaana lagu soo oogay mas’uuliyiintan eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, sida ay inoo xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Wasiirka Amniga Jubbaland Mr. Janan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qabsatay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho 31-kii Bishii Agoosto ee sanadkan 2019, xilli uu safar shaqo ugu sii jeeday Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Xariga ay Dowladda Federaalka u geystay Wasiirkii C/rashiid Janan, ayaa waxaa horay uga dhashay banaanbaxyo ay dhigayeen Shacab kasoo horjeeda xarigiisa,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka