Qaxooti Soomaali ah oo laga soo ceshay Dalka Yemen

Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta Adduunka ayaa qaxooti Soomaali ah waxaa ay  kasoo celiyeen dalka Yaman,kuwaas oo laga dejiyey Dekadda Magalada Xeebeedka Barbara ee deegaannada Soomaaliland.

Qaqxootigaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 147 ruux ayaa waxaa ku jira 56 Caruur ah,waxaana Doon looga soo qaaday Dekadda Magalada Cadaan ugu dambeyna laga dejiyay dekadda Magalada Berbera Soomaaliland.

Dadkaan qaxootiga Soomaalida ah ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dagaalada ka socda dalka Yemen, iyada oo sidoo kale ay la soo deristay intey ku sugnaayeen dalka yemen xaalad Bani’aadanimo,taas oo keentay in Soomaaliya dib loogu soo celiyo.

Afhayeen u hadlay ururka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xilligaan aysan wanaagsaneyn in Soomaaliya lagu celiyo qaxooti amni-darro ka jirta aawgeed,hayeeshee dadka iskood u dalbada ay diyaar u yihiin inay caawiyaan.

“Amni-darrada ka jirta Soomaaliya ayuu yiri culeyska qaxootiga oo jira,dadka doonaya in guryahooda loo celiyo waanu taageereynaa,dadka markaana geyno berbera waxaan u qaban karno waan ku saacideynaa balse halka ay uga soo gudbayaan iyaga ayaa xor u ah ayuu intaasi raaciyay”

Dalka Yemen ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada dad badan oo Soomalai ah ay qaxooti ku yihiin,kuwaas oo qaarkood ka cararay dagaaladii sokeeye,halka qaarkood ay ku tageen tahriib, iyaga oo doonayay inay dalkaasi uga soo gudbaan Sacuudiga,hayeeshee ay dagaalada ka socda saameyn ku yeesheen.