VIDEO: Madaxda DFS oo wajaheysa culeysyadii ugu adkaa abid

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa Mowjado adag oo isugu jira kuwo Siyaasadeed iyo inay lumiso Taageerada dhaqaale ee Beesha Caalamka, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka.

Shirka SPF oo muhiim u ahaa Soomaaliya, ahaana kii 4-aad oo her caalami ah ayaa isku bedelay madal dhaliilo iyo hanjabaado loogu jeediyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Shirka ay qaadaceen Dowladaha Puntland iyo Jubbaland oo ah laf-dhabarka nidaamka Federaalka Soomaaliya

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka ka jari doonin Taageerada dhaqaale, hadii aysan la imaan Siyaasad loo dhan yahay oo horseeda wada-shaqeyn dhex marta Hoggaaminayayaasha Siyaasadda Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka Daawo Falanqeyn Ku aadan Culusyada heysa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.