Villa Somaliya oo u isticmaalaysa dhisida Maamulka Galmudug Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf,ayaa lagu waddaa in uu ku dhawaaqo Guddiga soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka iyo Farsamada.

Xaaf,ayaa saacaddihii ugu dambeeyay la tashiyo la lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana xogo hoose oo nasoo gaaray sheegayaan in ay isku raaceen Magacaabida Guddi ka kooban 12-xubnood.

Ra’iiusul Wasaare Kheyre ayaa dhawaan sheegay in hanaanka Geedi socodka Galmudug uu la wareegay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle.

Horay ayay xogo aan helany xaqiijiyeen in Xaaf ay Villa Somaliya is og yihiin ,ku dhawaaqistiisii lasoo noqoshada Wakiilashadiisiina ay ahayd qorshe lagu khaldayo mucaaradka.

Dowlada Fadaraalka,ayaa ku fashilantay dhisida maamulka Galmudug oo iyadu gacanteeda ay ku burburisay waxaana hada muuqata in ay isticmaalayso qalinka Xaaf.