Wasiiro katirsan Puntland oo ku kulmay Garoowe (Sawirro)

Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay magaalada Boosaaso waxa kulan ku yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha iyo Kaluumaysiga Puntland.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Maaliyadda ,Wasiirka Dekedaha, Wasiirka Kaluumaysiga, Wasiir kuxigeenka Dekedaha qaybo ka mid ah Agaasimayaasha sadexda Wasaaradood, Taliyaha Dekeda Boosaaso iyo Taliyaha guud ee ilaalada Cashuuraha Puntland.

Kulanka waxaa shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi waxana looga hadlaayay wada shaqaynta dhanka dakhliga ee ka dhexeeya sadexdan Wasaaradood.

Kulan markii uu soo afmeermay Wasiirka Maaliyadda ayaa wax yaabihii looga hadlay uga war bixiyay Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda.

“Kulanka waxa uu ahaa mid muhiim ah waxana uu ahaa wada tashi ku aadan dardar galinta dakhliga dhinaca Kaluumaysiga ,waxana uu ahaa mid lagu saxaayay shaqada Cashuuraha dhinaca xeebaha ee Kaluumaysiga ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Mudane Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri

“Shirkan waxa uu qayb ka ahaa shir ay horay sadexda Wasaaradood ugu yeesheen caasimada Puntland ee Garoowe, waxana laysku afgartay shirkan maanta” ayuu yiri mar kale.

In agaasimayaasha sadexda Wasaaradood soo diyaariyaan wax yaabaha u baahan in go’aan laga gaaro sadaxda Wasiirna ay yeeshaan kulanka ugu dabeeya.

In xeebaha la geeyo wakiilada Wasaaradaha si wadir ahna u shaqeeyaan.

In meesha laga saaro si wadajir jir ah wax yaabaha caqabada ku ah shaqada

Kulankan ay wada yeesheen madaxda sadexda Wasaaradood ayaa ku soo dhamaaday guul ku aadan dhanka hor u socodka dakhliga dalka