Guddiga amniga Jubbaland oo Shir ka yeeshay la-dagaalanka Al-Shabaab (Sawirro)

Madaxweyne kuxigeenka  1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Insiin ah shir guddoomiyey kulanka Bilaha ah ee gudiga Amniga Jubbaland,kaas oo bishii hal jeer la qabto.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobo ay kamid ahaayeen xaaladda amni ee Jubbaland iyo dar dar galinta howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Madaxweyne  kuxigeenka  1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Maamulka Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay kordhinayaan xaqiijinta dhinaca amniga.

Waxaa uu sheegay in kulanka ita uu socday la isku raacay bilaabida howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaanno badan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland.