Jubbaland oo si kulul uga jawaabtay waraaqo XFS ay soo saartay

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa si kulul uga hor-yimid habraacii soo xulista Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee ay shalay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay Idaacada BBC ayaa sharci darro ku tilmaamay warqada ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Warqadan ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxaan u aragtaa inay tahay mid sharci darro ah oo baal marsan dastuurka dalka u yaalla”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Sidoo kale, Wasiir Cabdi Xuseen ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay mar walba ka lalmato maamul goboleedyada, waxaana uu caddeeyay in dhowaan ay qabanayaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Dhowr jeer oo hore Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay qoraalo is daba joog ahaa oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana inta badan ahaayeen kuwo aanan dhaqan gelin oo khilaafka labada dhinac sii xoojin jiray.