Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyayaal Cusub (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dalacsiiyey saraakiil katirsan Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, isagoona sidoo kale u magacaabay Taliyayaasha Qeybta Booliska ee Gobalada Sanaag iyo Nugaal.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa L/X/Le Bashiir Cali Maxamed loogu dalacsiiyey derajada G/dhexe, isagoona sidoo kale u magacaabay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Sanaag.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Gaashaanle Muumin Cabdi Shire u dalacsiiyey derajada G/Dhexe, waxaana uu u Magacaabay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa waday muddooyinkii ugu dambeeyay wada-tashiyo uu ku xoojinayo Talayada Hay’adaha Amniga iyo Sirdoonka Puntland, waxaana magacaabista Taliyayaashan imaanaysa Iyadoo Dowladdu ay sare u qaaday Shaqooyinka Booliska, maadama la xareynayo Ciidanka Milateriga ah ee ku sugan gudaha Magaalooyinka waa weyn ee Puntland.