Maxaad ka og-tahay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariga Col. Sumeysane ?

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa maalin kahor xabsiga u taxaabay Col. Maxamuud Cabdullqaadir Sumaysane oo ahaa Talyihii Ururka 21-aad ee Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland, Iyadoona xogo dheeraad ah ay kasoo baxayaan sababaha ka dambeeyay xiraga Col. Sumeysane.

Warar ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa muujinaya in sababo is biirsaday ay ka dambeeyeen xariga Col. Sumeysane, kuwaas oo ay ugu weyn tahay gacan qaad uu u geystay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, xilli uu socday kulan uu guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Col. Sumeysane uu sidoo kale hanjabaad u jeediyay Wasiirka, taas oo ka careysiisay Madaxweyne Deni oo kulanka oo looga hadlayay Tayaynta iyo Tirakoobka Ciidanka goobjoog ahaa.

Sidoo kale, Col. Sumeysane ayaa lagu eedeeyay inuu hormuud u yahay Saraakiisha hor-taagan Tirakoobka Ciidanka, isagoona hoggaaminayay Ciidan dhowaan soo baneeyay jiidaha dagaalka dul-dagayna Magaalada Boosaaso, kuwaas oo ku andacoonayay inuu ka maqan yahay Mushaar Labo bilood ah, balse markii dambe la siiyay.

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday dadaalo lagu Tirakoobayo, laguna tayaynayo Ciidanka Ammaanka ee ay ugu horeeyaan Daraawiish-ta oo sanadihii ugu dambeeyay aad u kala daadsanaa.